(SAWIRO) Wiil lix Sano Jir ah Oo Ku Xanuunsan Kaam Kuyaala Magalada Baydhabo

0
391

Wiilkan Da’adiisa 6sano jir ah wuxuu la xanuunsanyahay Xanuun la dhashay kaasi oo kaga dhacay Lafdhabarka waxaa isku furmey saxaraha iyo Kaadida wuxuu u baahan yahay gargaar Dhibanahan, Wuxuu ku noolyahay Kaamka Ufurow oo ah kaam ku yaala Duleedka Magalada Baydhabo.
Hooyadiisa oo luul Isaaq aadan  ka wareysatey Xaaladeeda iyo Waxyaabaha Sababay ayey Waxay tiri.
” Aniga oo Dhameystey Uurka Bilaheyga ayaa la kufay waxaana u maleynayaa Dhibaatadan Haysata Wiilkeyga in Halkaasi ka imaadeen”

” Wiilkeyga Waan jeclahay Caafimaadkiisa Ma haysto qarash Wiilkeyga ku daaweysanlahaa Allah idinkaga Abaalmariyo Saan qaadkiina ayey tiri Hooyada Wiilka ka xanuunsan ayadoo u mahadnaqeysey Luul Isaag iyo teemkeeda.

Goordhow Aqristiyaasha Hubsiimonews.com Warbixintaan Oo Dhameystiran Insha allah.