Sawiro: Kullan Looga Hadlaayey Doorka Haweenka Ay Ku leeyihiin Siyaasda Dalka Oo Lagu Qabtey Xudur

0
216

Xudur(INO)- Aqaasimaha Ururka SBLO Luul Isxaq Aadan ayaa Ururka Haweenka ee Degmada Xudur waxay ku wareejisay Aqab Ururkaasi ugu talagalay in lagu xuso Xuska Maalinta Haweenka Soomaaliyeed

Waxana taaba geliyay Hay’ada DAL-BILE iyo Wasaarada Haweenka ee Koonfur Galbeed Soomaaliay oo wakiilna uga dhigtay Ururka SBLO.

Haweenka Degmada Xuddur ayaa aad u soo dhoweeyay una mahad celiyay Luul Isxaaq Aadan iyo Cidii Gacan ka geysatay in la soo gaarsiiyo Aqabkaan Hidaha iyo Dhaqanka.

Wareejinta waxa goob joog ka ahaa Maamulka Degmada Xuddur iyo Ururada Bulshada Rayidka Qeybahooda kala duwan.