Sawiro: Dagaal qaatay 5 saacadood oo dhexmaray Yaxaas & Jibiso.

0
568

Dagaal qaatay mudo 5 Saacadood ah, ayaa waxa uu dhex maray Yaxaas iyo Maska loo yaqaan Jibisada, waxaana ugu danbeyn guuleystay Jibisadii, waxaana halkaas lagu liqay Yaxaaskii, dhacadadaan ayaana ka dhacday deegaan katirsan wadanka Australia.

Maska Jibisada ah oo ahaa mid aad u dheer iyo Yaxaaska, ayaa si aad ah ugu dagaalamay Biyaha dhaxdooda.

Kadib dagaal xoogan oo mudo 5 saacadood ah dhex maray labadaan Xaywaan, ayaa ugu danbeyn Maska waxaa u suurta galay iney xakamayso dhaq dhaqaaqii Yaxaaska ilaa uu ka quur baxo, kadibna banaanka ayay ula soo baxday iyadoo bilaawday ineey kis kis u liqdo.

Dadka deegaanka ayay u suurta gashay ineey daawadaan dhacdadaan la yaabka leh islamarkaasna ay Sawiro ka qaataan.

“Dhacdadu waxay ahayd mid la yaab leh, waxaan daawanay Mas la dagaalamyo Yaxaas, iskuna dayayo inuu banaanka uga soo saaro Biyaha si uu u liqo” sidaas waxaa BBC u sheegtay haweeneey kamid ah dadkii daawaday dhacadadaas.

“Dagaalka waxa uu ka bilaawday Biyaha dhexdooda, Yaxaasku waxa uu isku dayayay inuu kor usoo qaado madaxiisa, halka Maskana uu si aad ah ula dagaalamayay” ayay sii daba dhigtay Haweeneydaan.

Kadib markii uu dhintay Yaxaaska, Jibisadu waxay bilaawday ineey kala taagto afkeeda, kadibna ay kis kis u liqdo Yaxaaski Gabi ahaantiisaba, waxaana intaas ay ku qaadatay mudo 15 daqiiqo ah oo kaliya.

 

masmas2mas3

 Idale News Online