Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Gobolka Hiiraan oo lagu dilay Beledweyne

0
264

Wararka aan ka heleyno Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Halkaas lagu Dilay Nin Horay usoo Noqday Gudoomiye ku xigeenka Deegaanka Buq-goosaar.

Teaser Image Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Gobolka Hiiraan oo lagu dilay Beledweyne {Dhageyso}

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Aadan, hadda waxaa uu Xubin ka ahaa Ciidamada Canshuuraha qaada ee Minashiibiyada Magaalada Beledweyne.

Dilka Sarkaalkaas ayaa ka dhacay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada, Marka uu dilka Sarkaalkaasi dhacayay ayaa la sheegay in uu ka Baxayay shaqada uuna kusii socda Gurigiisa oo Xaafaddaas ku yaalla.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Dilka Sarkaalkaas, oo ay ku Tilmaameen in uu u shaqeynayay Ethiopia.

Ciidamada Amaanka ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay Xaafadda Howl-wadaag ka Billaabeen, Baaritaan ay ku Raadinayaan Kooxdii Dilkaas Geysatay, oo sida la sheegay Adeegsanayay Qoryaha AK-47.

Maamulka Gobolka ayaa sheegaya in ay Amaanka magaalada ku Guuleysteen, hadana waxaa jira Habac aan aad u Badneyn oo weli ka Jira Halkaa.

Idale News, Baladweyne.