Sida aan La socono Magaalada Baydhabo waxaa ka socda Shir Maamul Loogu Sameynayo Gobolada Baay, Bakool iyo iyo Shabeelada hoose.
Hadaba Maamulka lagu dhisayo Magaalada Baydhabo waxaa ka qeeb galaya Ergooynin badan oo kala Matalaya Beelaha dega Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelada hoose.
Sida lagu wado waqtiyada nasoo aadan Waxaa lagu wadaa in dhawaan lasoo saaro Dastuurka uu yeelan doono Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo kadibna la qeeyb san doono Xildhibaanada Baarlamanka uu yeelanayo Maamulka ay dhisanayaan Shacabka ku dhaqan Sedexdaas Gobol.
Sida la saadaalinayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed waxaa lagu wadaa in uu noqdo Nin kasoo Jeeda Digil & Mirifle, waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in Madaxweyne ku xigeenka Koonfur Galbeed uu noqon doono Nin kasoo Jeeda Beesha Biimaal.
Qaar ka mid ah Waxgaradka Kasoo Jeeda Gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan Beesha Biimaal ayaa sheegay in qalad ay tahay in Beesha Biimaal lagu Calaameeyo in Madaxweyne Kuxigeen ay Noqdaan, Waxey sheegeen in Gobolka Shabeelada hoose uu yahay Gobolka Barwaaqo ah, leh Xeeb Dheer, iyo Dhul Beereed aad uweyn oo ku Teedsan Wabiga Shabeelle, Dekadaha Marka iyo Baraawe iyo garoomo Diyaaradeed Oo dhamaan Beesha Biimaal ay leedahay.
Waxaa sidoo kale ay sheegeen in lagama maarmaan ay tahay in si cadaalad ah loo qeeyb sado Maamulka iyadoo Arimahaas oo dhan laga duulayo, waa in Xubnaha Baarlamaanka iyo Qeeyabaha kale Ee Maamulka si siman oo Cadaalad loo qeeybiyo.
Mid ka mida ah Waxgaradka Beesha Biimaal oo aan wareestay ayaa ii sheegay in ay ka warsugayaan Ergagada mataleysa Beesha Biimaal, Ergada na mataleysa hadii ay kala yimaadaan wixii Dadkaan Xaqa ulahaayeen ayuu yiri waan ayid sannahay hadii kalana waxey noqon doontaa Howl iyaga u gaar ah Oo ay Dadkooda la qabin, maadaama qaab Qabiil wax lagu qeeyb sanayo.
Waxaa sidoo kale uu sheegay in Dul duleelo badan ay muuqdaan hadii aan hada la xalin ay dhibaato keeneyso Mustaqbalka, qaar ka mid beelaha dega Gobolka Shabeelada hoose Saamigoodi waa la duudsiiyay wax soconayana maaha ayuu yiri, Gudiga Maamul u sameynta Sedexda Gobol waxaa lagu daray Dad aan deegaankaba shaqo ku laheyn waxaa laga reebay Beelo deegaanka ah sida Wacdaan iyo Hintire, arimahaas oo dhan waxa ay u baahan yihiin Xal Buuxa.
Isku soo wada duuboo waxaa dhawaan la filayaa in Maamul Cusub uu ka hir galo Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelada hoose.
Idale News, Online, Baydhabo.