Sarkaal ka tirsanaa Booliiska Kenya oo Maanta ku dhintay Qarax ka dhacay Deegaanka Laamu

0
212

Garisa(INO) — Sarkaal ka tirsanaa Booliiska Kenya ayaa lagu dilay maanta oo Jimco ah qarax miino oo lala beegsaday gaari saraakiil booliiska dalka Kenya ka tirsan, kaasoo ka dhacay deegaanka Hindi-Bodhey oo ka tirsan deegaanka Laamu ee dalka Kenya, iyadoo qaraxaas ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen saddex sarkaal oo kale.

Qaraxan miino ayay saraakiisha booliiska Kenya sheegeen inay maleynayaan in ay halkaas ku aaseen xubno ka tirsan Al-shabaab. Waxaana la sheegay inay kusii jeedeen saraakiisha qaraxa lala beegsaday deegaanka Bodhey oo u dhexeysa Lamu and Gaarisa.

Taliyaha hoggaaminaya howlgalka la doonayo in Al-shabaab looga saaray deegaanka Boni oo ay saldhigyo ka sameysatay Al-shabaab, James ole Serian ayaa xaqiijiyay Qaraxan lala beegsaday saraakiisha.

“Waa dhab in sarkaal uu ku dhintay Qaraxa, laakiinse saraakiishii kale ee la socday gaariga wax dhibaato ah ma soo gaarin. Waxaana Rumeysannahay inay ka dambeeyeen miinada la aasay Al-shabaab,” ayuu mar kale yiri Ole Serian.

Saraakiil kale oo la hadlay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa iyaguna sheegay in gaarigii askartu wateen uu gubtay, hal sarkaalna uu ku dhintay, saddex kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen. Waxaana weerarkan ka dambeeyay bay yiraahdeen Al-shabaab, kuwaasoo u baxsaday dhinaca Boni.

Dhanka kale, shilkan ayaa imaanaya toddobaadyo kaddib markii laba qof lagu dilay weerar ay kooxo Al-shabaab ku qaadeen gaari xamuul oo marayay Milihoi oo ka tirsan deegaanka Lamu, gaarigaas oo kusii jeeday deegaanka Hindi oo Mpeketoni ka tirsan.

Ugu dambeyn, taliyaha booliiska deegaanka Lamu-Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay inay walaac xooggan ka qabaan weerarrada ay xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ka geysanayaan deegaannada ku yaalla xeebaha dalka Kenya.

Idale News Online, Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here