araakiisha dowladda Soomaaliya ee Gobolka Bakool ayaa markii u horeysay sheegay inuu wada hadal u socdo Sheekh Muktaar Roobow Abuu Mansuur, iyagoo cadeeyay inay isku afgarteen in aanay xabad isku ridin.
Warar maalmihii u dambeeyay warbaahinta sheegayeen ayaa ahaa in khilaaf uu u dhaxeeyo Abuu Mansuur Roobow iyo Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane Abuu Zubeyr, isla markaana Abuu Mansuur ku mowqif ahaa xubnihii ku sugnaa Baraawe ee ka soo horjeeday Hogaanka Shabaab, kuwaasoo markii la weeraray qaarkood la dilay, kuwana la xiray.
Taliyaha ciidamada dowladda ee Gobolka Bakool Col. Cali Salaad Maxamed Axmed ayaa sheegay in wada hadalada u dhaxeeya iyaga iyo Abuu Mansuur ay meel wanaagsan marayaan, isla markaana markii horu mar laga sameeyo ay u gudbinayaan dowladda Soomaaliya.
“Anaga iyo Abuu Mansuur Roobow waxaa isku afgaranay in aan xabad isku ridin, oo aan is bad baadino, wixii kalena aan meel uga soo wada jeesano”ayuu yiri Sarkaalkan saaka la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.
Warar si kala duwan warbaahinta Soomaalida iyo kuwa caalamka u tabinayeen ayaa ahaa in khilaaf uu ka dhex jiro Xarakada Al-Shabaab, kaas oo aaqirkii gaaray in saraakiil sar sare laga taqaluso, iyadoo Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ahaa madaxdii Shabaabka uu ka soo baxsaday Baraawe, kaasoo haatan gacanta dowladda ku jiro.
Mukhtaar Roobow oo aan wali saxaafada kala hadlin arrimaha ku saabsan in miyiga deegaanada Bakool ku dhuumaaleysanayo ayaa ah nin deegaanada Bay iyo Bakool u dhashay, taageero ballaarana ku leh.