Bakool–(INO)–Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool wararka naga soo gaaraya ayaa sheegay in kulan halkaasi ku dhex maray Xildhibaano ka trsan Dowlada Soomaaliya iyo Saraakiil Ethiopian ah iyagoona isaga wareysanayey sida ugu haboon oo ay Xildhibaanada Maamulka Gobolka Bakool iyo Saraakiisha Ethiopia ay u tagi lahaayeen Ceel Barde oo dhawaan looga dhawaaqay Maamul Cusub.
Inkastoo aysan Ogaloaan Saraakiisha Ciidanka Ethiopian-ka in la tago Ceel Barde balse maanta ayaa loo balansan yahay kulan kale oo Saraakiisha Ciidanka Ethiopian-ka ah lala qaadanaayo si loogu ogolaado Xildhibaanada tagista Ceel Barde iyo Deegaanada kale ee looga dhawaaqay Maamulka Cusub ee laga ag dhisay midka Koofur Galbeed.
Warkan Waxii Ka Soo Kordho kale Idale News Online