Xudur–(INO)–Degmada Xudur Ee Xarunta u ah Gobolka Bakool ayaa waxaa Maalmahaan ku sugnaa Wafdi Xildhibaanno ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaas oo doonayay in ay tagaan Degmada Ceelbarde oo looga dhawaaqay Maamul lagu Magacaabo Bakool Sare oo ka madax banaan Koofur Galbeed,balse Saraakiisha Itoobiya ay diideen tagitaanka Ceel-barde Xildhibaanadasi.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Xudur iyo Xildhibaanada Federaalka ka socda ee halkaasi jooga ay isku Afgarteen in Wafdiga Dowladda Soomaaliya ay tagaan Degmada Ceel-barde ee lagu dhisay Maamulka Bakool Sare.
Halkan Ka Dhageyso
Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Saraakiisha Itoobiya ay isla meel dhigeen in Xildhibaanada ka socda Dowladda Federaalka la geeyo Ceel-barde si ay dadka halkaa ku nool Kulamo ula yeeshaan oo lagu qanciyo in aan Fowdo iyo dagaal aan laga Abaabulin Gobolka Bakool.
Idale News Online, Xudur