Saraakiil Soomaali ah oo markab dushiis kula kulmay saraakiil Midawga Yurub ka tirsan

0
182

Saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa saraakiil sar sare oo ka tirsan ururka midawga Yurub oo uu ka mid yahay wakiilka ururka Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone D’urso oo ay kula kulmeen markab dagaal oo taagan xeebaha Soomaaliya gaar ahaan meel u dhaw magaalada Muqdisho waxaa ay kala hadleen arrimo ka mid yihiin sugida amaanka biyaha Soomaaliya.

Kulankaan oo lagu qabtay markab nooca dagaalka ah oo ay leedahay dawlada Burtaqiiska oo taagan xeebaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray wada shaqeyn dhex marta hawlgalka Midawga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ka socda ee la syiraahdo Atlanta iyo dawlada Soomaaliya gaar ahaan ciidamada badda Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso. Ayaa kulanka kadib warbaahinta u sheegay in ujeedka kulankaani uu ahaa iskaashi dhex mara saraakiisha dawlada Soomaaliya iyo kuwa midawga Yurub ee biyaha Soomaaliya ku sugan.

“Kulankeena maanta waxaa uu fursad u ahaa iskaashi dhex mara saraakiisha dawlada iyo Midawga Yurub waxaana uu bilaw u ahaa in Soomaaliya laga dhigo wadan dagan oo xasiloon” ayuu yiri Michele Cervone d’Urso.

Michele Cervone waxaa uu sidoo kale sheegay inay dawlada Soomaaliya ka caawinayaan tababarida ciidamada badda kaasi oo noqon doona ajandaha ugu mihiimsan ee looga hadlayo shir bisha September ee sanadkaan ka dhacaya magaalada Brussels.

Midawga Yurub waxaa xeebaha Soomaaliya ka jooga tiro maraakiib dagaal oo ujeedkooda lagu sheego burcad badeeda Soomaaliyeed ee xeebaha Soomaaliya wax ka qafaasha.

Ergada-badda

Ergada-badda-2

  Ergada-badda-4

Ergada-badda-Admiral-Siad-Deputy-Chief-of-the-Somali-Navy-left-and-Admiral-Bob-Tarrant-European-Union-Naval-Force-Operation-Commander

Idale News Muqdisho