BaladXaawo(INO)-Wararka aan ka heleeyno Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Cabdi Buule Cabdi oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Jooga Baled-xaawo ayaa Warbaahinta u sheegay in Dagaalamayaashasi ka tirsan Al-shabaab ee isa soo dhiibay ay gaarayan ilaa 7 Xubnood islamarkaana watay Hubkoodii sida uu sheegay.
Cornel Buule ayaa intaa ku daray in Ragaan ay ka yimaadeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo Al-shabaab Fariisin u ah waxaana uu sheegay in ay Garawaqsadeen in ay Ciidamada Qaranka ay ku soo biiraan.
Al-shabaab wali kama hadlin Wararka sheegaya in Dagaalamayaal ka tirsan ay Ciidamada Dowladda ku biireen.
Idale News Online, Balad Xaawo, Gedo.