Xafladaan oo u dhacdey si heer sare ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madax ka socota Dowladda Kuwiat, Danjirayaasha Caalamka u fadhiya Dalka Kuwiat, Ururada Adduunka iyo dhamaan Jaaliyadaha Dalalka Africa ee ku nool Kuwait.
Ugu horeen waxaa xafladaasi loogu dabaal dagaayay Maalinta Africa khudbad dhinacyo badan taabaneesa ka jeediyay Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait ahna Hormuudka Safiirada Africa ee ku sugan Dalkaasi danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh oo ku hadlayey magaca Danjireyaasha Africa.
Danjire, Cabdulqaadir Amiin wuxuu mahad u soo jeediyey Madaxda Dalka kuwait doorka firfircoon ee uu Amiirka Kuwiat ka qaadanayo iskaashiga iyo xoojinta xiriirka Carabta iyo Africa,iyo taageerada Dawladda Kuwiat ay siineyso Safaaradaha Dalalka Africa ee kusugan Kuwait.
Danjiraha waxa uu cadeeyay in ay Afrika ku socoto Wadada horumarka iyo xalinta dhibaatada Afrika u khaaska ah isagoo tusaale u soo qaatey doorka Ciidamada Afrika ee Soomaaliya ee gacanta siinaya ciidamada Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa halkaas lagu soo bandhig bandhig dhaqameed ka tarjumayay Dowladaha Africa iyadoo Soomaaliyana ay doorkeeda ka cayaartay bandhig dhaqameedkaasi
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi kuwait ayaa kormeer guud ku sameeyay bandhig dhaqameedkii ay soo bandhigeen dhamaan dowladaha africa
Bandhiga qeybta Soomaaliya waxey ka mid ahayd rugta dadweynaha ay aad u booqdeen,uguna riyaaqeen waxyaabaha ay dhalinyarada Ururka Ardeyda, Dalsan iyo Golaha Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee kuwait ay soo bandhigeen
Ugu danbeentii Safiirka Soomaaliya ayaa u furay martida casho sharaftii loogu tala galay munaasabadaaasi, waxa ayna Munaasabad kusoo dhamaatay Jawi heersare ah.
Idale News Online, Kuweyt.