Safiirka Somalia u fadhiya Kenya oo Muqdisho soo gaaray.

0
204

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, kaddib markii ciidamada ammaanka dalkaas ay xireyn qunsulka safaaradda Soomaalida ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire.

Dowladda Somalia oo yeeratay safiirka u fadhiya Kenya

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad ayaa danjiraha kula kulmay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka weydiiyey xarigga qunsulka iyo sida uu u dhacay.

Danjire Ameeriko oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in socdaalkiisa Muqdisho uu la xiriiro sidii uu uga warbixin lahaa tacaddiga qunsulka safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Kenya loogu geystay Nairobi, uuna ka warbixiyey.

Wuxuu sheegay tallaabada Kenya ay muujineyso in xiriirka labaada uu xumaan karo.

Siddee u aragtaa tallaabada dowladda Soomaaliya qaadatay, noo soo qor aragtidaada?

Idale News Online.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here