Sacuudiga oo ku dhawaaqay Isbaheysi ka kooban 34 dal Islaam ah oo la dagaalama Argagixisada

0
237

Riyadh(INO)— Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay dhistay isbaheysi ka dhan ah Argagixisada oo ay ku bahoobeen illaa 34 dal oo ka mid ah dalalka Islaamka.

Dowlada Sacuudiga

Sacuudiga ayaa xubin ka ah Isbaheysiga uu Mareykanka hogaaminayo ee dagaalka kula jira Daacish, waxaana sidoo kale uu hormuud u yahay dagaalka Yemen ka socda ee lagula jira Jabhada Xuutiyiinta.

Isbaheysigan cusub ayaa xaruntiisa noqon doonta magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga, sida ay sheegtay Warbaahinta dowladda Sacuudiga.

Dalalka Islaamka ee xubnaha ka ah Isbaheysigan ayaa ah dalal ku yaal qaaradaha Aasiya, Africa iyo dalalka Carabta.
Laakiin isbaheysigan ayaa ka mid aheyn dalka Iiraan oo ah xafiiltanka ugu weyn ee Sacuudiga iyo dowladaha Khaliijka.

Sidoo kale Isbaheysigan ayaan ka mid aheyn dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo dowladahooda ay xiriir dhow la leeyihiin Shiicada xukunta Iiraan, waxaa kaloo ku jirta dowladda Afghanistan.

Wasiirka Difaaca Sacuudiga Mohamed Bin Salmaan ayaa sheegay in Isbaheysigan cusub uu dadaal ku bixin doono ololaha ka dhanka ah Argagixisada ee dalalka Ciraaq, Suuriya, Libiya, Masar iyo Afghanistan.

Isbaheysigan ayaa waxaa xubin ka ah dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta Xarakada Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Al-Qaacida.

Hadabada Wadamada xubnaha ka ah Isbaheysigan uu Sacuudiga ku dhawaaqay ayaa waxay kala yihiin:-

Saudi Arabia, Bahrain, Bangladesh, Benin, Chad, Comoros, Djibouti, Egypt, Gabon, Guinea, Ivory Coast, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Malaysia, Maldives, Mali, Morocco, Mauritania, Niger, Nigeria, Pakistan, the Palestinians, Qatar, Senegal, Sierra Leone, Somalia, Sudan, Togo, Tunisia, Turkey, United Arab Emirates and Yemen.

Idale News Online, Riyadh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here