Daawo: Xisbi Siyaasadeedka Daljir Oo Dhaqaalle Gaarsiyey Agoomaha iyo Darbi Jiifta Baydhabo

0
234

Baydhabo(INO)- Wafdi uu Hogaaminayo Bishaar Maxamed Nuur iyo Maxmed Axmed Aadan (Maakiyo) oo kasocdaan Xisbi Siyaasadeedka  Soomaaliyeed Ee Daljir  ayaa  waxay Maanta soo gaareen Magaalada Baydhao Ee Xarunta Gobolka Bay.

Xisbigan oo ay ku jiraan Siyaasiyiin Waa weyn oo ugu horeeyo Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Sheikh Shariif Axmed iyo Taliyihii Hore NISA Soomaaliya Mr. Fiqi iyo Kuwo kale oo badan.

Wefdigan isla waqtigii ay yimaadeen waxay Booqasho ku tageen Xarunta Lagu Xanaaneeyo Derbi Jiifta Magaalada Baydhabo , isla markaana waxay  gaarsiiyeen Dhaqaalle iyo Joodariyaal ay ku seexan doonaan Caruurta Aan laheyn Waalid.

Waxayna Balan Qaadeen inay ka qayb qaadan doonaan Taakuleynta Ciyaalka Aan Waalidba Laheyn sidii ay u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Mustaqbal Wanaagsan .

Waxaa kaloo Goobta soo Gaarey  Maano Maxamed Nuur oo kamid ah Ma’suuliyiinta Iskuulka Gabadha Ee Dr. Cabdaalla Deerow Isaaq  iyadoo ay Keentey Qalbka Jiifka sida Joodariyo iyo waxyaabo kale.s

Si kastaba ha ahaatee, Dhamaantooda waxaa u mahad celiyey Dr.  Idiris Cabdi dhaqtar oo ah aruuriyaha Ciyaalka aan waalidkaa laheyn ama Agoomaha Ah Ee Ku dhaqan Degm

Ugu damebyntii, Dhamaan  Bulshada Gobolka Bay waxay mas’uuliyad ka saarantahay   u gargaarida iyo daryeelka Ilaha Agoomaha Ah ee Ku dhaqan Magaalada Baydhabo.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here