Saameynta ay ku yeelan karto ku xudgudubka Protocol Madaxweynaha howsha dhameystirka kala guurka Dowlada

0
266

Halkaan ka dhegeyso: [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/08/Aragtida-Protocol-madaxweynaha.mp3]

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Somalia Sharif Sheikh Axmed ka soo caroodey shirkii saxiixayaasha ee Nairobi, ayaa waxaa shaki laga muujinayaa dhameystirka howsha dowlada iyadoo dad badani ay cabsi ka qabaan khilaafku inuu intaas ka sii xoogeysto maadaama sharafkii Madaxweyne aan xilkiisa dhamaan meel looga dhacey arrintaasna ay tahay mid ka hor imaaneysa protocol dowladnimo ee lagu wada joogo.

Eng. Sayid Axmed Sheikh Dahir oo ah Safiirka Somalia ee Uganda ayaa qaba in ay aheyd in  la xushmeeyo protocol dowladeed taasoo uu ku tilmaamey in aan madaxweynaha Somalia aan lala simi karin horjoogayaasha saxiixayaasha oo qaarkood aaminsanaa inuu dhamaadey xiliga kala guurka, loolan siyaasadeedna lagu jiro.

Siyaasiin kale ayaa iyagu qaba in xiliga dowladdu dhamaad yahay taasna ay soo dedejisey in xoogaa protocol macno suubiney, madaxweynuhu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo mar kale,  inuu dulqaad muujiyo ay aheyd intii uu shirka ka caroon lahaa maadaama xaalka siyaasadeed ee dalku meel xasaasi maraayo.

Idale News Online “INO” Muqdisho.