RW Somalia: “Dib u Celinta Qaxootiga Dhadhaab Halaga Dhigo Sanadda 2019”

0
341

Muqdisho (INO)—Iyadoo dhawaan Madaxda Dowladda Kenya ay shaaciyeen in ilbaabada la isugu dhufanayo Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan Boqolaal Kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa talaabadaasi waxaa ka dhiidhiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xeritaanka xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Sanadkan ku tilmaamay marxalad adag waxuuna ku baaqay in dib loo dhigo qorshahaasi.

Mr. Sharmaarke ayaa soo jeediyay in dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed la dhigo Sanadda 2019 maadaama uu hoosta ka xariiqay in Dalka Soomaaliya uu xiligan galayo marxalad kala guur ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ay diyaar u yihiin in Qaxootiga Soomaaliyeed dib loo soo celiyo balse waxuu qeexay in loo baahan yahay in laga wada tashto qaabka ugu haboon ee Dalka loogu soo celin karo.

Cumar Cabdirashiid ayaa carabka ku adkeeyay in ay la socdaan in Dalka Kenya uu galayo ama lagu qabanayo doorashooyin, waxuuna go’aanka lagu xirayo Xerada Dhabaab uu ku micneeyay in ay noqon karto mid siyaasadeysan.

Madaxda Dowladda Kenya ayaa isku raacay in la xiro Xerada Qaxootiga ugu weyn Aduubka ee Dhadhaab maadaama ay sheegeen in laga soo abaabulay Weerarkii khasaaraha badnaa ee Al Shabaab ay ku qaadeen Jaamacadda Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay