Rw, CCC Sharma’arke”Ma dheera Xilligii Dalka ay ka Bixi lahaayeen Ciidanka AMISOM”

0
440

Doha (INO) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay dalka ka baxayaan marka la gaaro Sannadka soo socda ee 2016-ka, isagoo ku sheegay hadalkan Wareysi gaar ah oo uu dalka Qatar ku siiyay Telefishinka Al-Jazeera.

Teaser Image Sharmaake: Ma dheera Xilligii Dalka ay ka Bixi lahaayeen Ciidanka AMISOM

Sharmaake oo la Weydiiyay in Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay Abaal weyn uga hayaan in ay ku Guuleysatay Dowladdu inay deegaanno badan ka Saarto Al-shabaab, ayaa ku jawaabay.

“Dhab ahaan AMISOM keliya ma aysan Sameyn Horumarkaas, waxaase la socday ciidamadeenna. Waanan ka Mahadcelinaynaa taageerada AMSIOM. Waxay ila tahay Walaalaheen howl badan ayay noo qabteen. Sidoo kalena Ciidamadeennu kaalin weyn ayay ku lahaayeen Xoreynta Deegaanno kala duwan oo dalka ka mid ah. Waxayna Howlgalladan ahaayeen Laba waji oo is-xiga; wajigii ugu Dambeeyay ee lagu Burburinayay Al-shabaab ayaanan ku jirnaa hadda. Dhanka kale, waxaa socda Qorshe lagu dhisayo Ciidamada guud ee Qaranka si ay Amniga dalka u sugaan”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray in marka ay howlaha u harsan Dhammaadaan ay gudo geli doonaa in la Dhimo Tirada Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.

Su’aal ahayd, goorma ayay taasi dhacaysaa? Ayuu kaga jawaabay. “Waxaa qorsheynaynaa in Howlgalkaas uu Billaaban doono Sannadka 2016-ka uuna soo Afjarmi doono 2017-ka.

Waxaa kaloo la weydiiyay ra’iisul wasaaraha; Waxaa ku xusan billowgii wareysiga in dad badan ay aragti xun ka qabaan Somalia; kuwaasoo qaarkood qaba in ay rabshado ka jiraan, waxay u malaynayaan inay dhibaatooyinkaas wadaan Al-shabaab iyo Burcad-badeedda. Sidee adigu taas u Aragtaa? Isagoo ku jawaabay.

“Anigu waxaan qabaa in Somalia oo keliya aysan ka jirin Arrimahaas; laakiin waxaan ku Faraxsanahay inaan dhaho in Somalia ay Horumar Samaynayso oo Burcad-badeednimadii ay hoos u dhacday 90%. Ma jiraan wax dhacdo in Sannadkii lasoo Dhaafay ay sameyeen. Dhanka Argagixisada hoos u dhac ayaa iyagana ku socda, dadkuna waa inay Gacmaha qabsadaan Dowladda.”

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa hadalkiisa kusoo Af-jaray in marka la Barbar dhigo Qeybaha kale ee Adduunka sid Suuriya, Afgaanistaan iyo Liiibiya, Somalia waa dalka keliya ee run Ahaantii Muujinaya Xoogaa guul ah dhanka Argagaxisada.

Idale News Online –  Doha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here