Moscow(INO)— Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay hub ka iibin doonto dowladda Soomaaliya, markii laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran.
Sida ay shaacisay Wakaalada wararka ee RIA oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Milateriga Ruushka ayaa sheegay in hub ka iibin doonaan Soomaaliya, hadii codsigooda uu noqdo mid sax ah oo la hubo.
“Ruushka wuxuu diyaar u yahay in codsiyada hubka uga imaanaya dhamaan wadamada oo dhan, oo ay ku jirto Soomaaliya, hadii la qaado cunaqabateynta Hubka”sidaa waxaa yiri Sarkaal ka tirsan RIA.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergie Lavrov ayaa kula kulmay magaalada Moscow Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga amniga, xiriirka labada dal iyo farsamada dhinaca milateriga oo ay ku jirto qalabeynta ciidamada.
Ruushka ayaa ah dalka kaliya ee hubka ugu badan ka iibiya wadamada ku yaala Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, waxaana horay u jiray xiriir u dhaxeeyay dowladdii hore ee Soomaaliya iyo Midowgii Soviet ay Soomaaliya ka iibsan jirtay.
Idale News Online, Moscow