Roobab Xoogan Badan Oo Daadad Wata Oo Ka Da’ay Gobolka Bay

0
234

Baydhabbo(INO)-Guddoomiyaha Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Bay Xasan Isxaaq oo la hadlay Warbaahinta aaya waxa uu sheeegay in Roobab daadad wata ay ka da’een deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bay.

baydhabo

Gudoomiye Xasabn Isxaaq ayaa tibaaxay in dad fara badan ay isaga barakaceen kuwaas oo sida uu sheegay guryahooda daadad uu ugu soo galay, wuxuuna xusay in gabar 3 sano jir ah ay ku geeriyootay roobabkaas daadadka wata.

Dhinaca kale Guddoomiyaha deegaanka Goof Gaduud oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in khasaaraha ka dhashay Roobabkani ay ku wargeliyeen Masuuliyiinta Dowladda Koofur Galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya intaba isagoo shaaca ka qaaday in aysan jirin wax warcelin ah ee ka soo gaartay dhinacyadaasi isagoo ugu baaqay Hay’adaha dowladda Federaalka,Dowladda  Koofur Galbeed iyo kuwa samafalka in ay si deg deg ah gurmad u soo gaarsiiyaan dadka ku tabaaleysan deegaankaasi oo uu sheegay in ay Qatar ugu jiraan Roobabka daadadka xoogan wata.

Ugu dambeyntii, Indhawaanahaan ayaa roobab xoogan oo mahiigaan ah ayaa waxa ay ka da’ayeen Gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyadoona ay soo baxayeen digniino ku aadan saameyn ay reebaan roobabkaasi.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here