Roobab Ka Curtay Magaalada Baydhabo

0
193

Baydhabo(INO)- Roobabka xilliga deyrta ayaa Maanta iyo Xaley ka curtay degaanno ka tirsan gobollada Bay sida magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi.

Wararka laga helayo  Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in xalay roobab mahiigaan ah ay heleen magaalada Baydhabo iyo degaanno kale oo ku teedsan.

Iyadoo in muddo ah roobabkani aynaan ka da’in gobollada Bay iyo Bakool ayaa waxaa hakad ay geliyeen tacbashada beeraha, maadaama la waayay wax roob ah.

Beeraleyda gobolka Bay qaarkood oo la hadlay IdaleNews ayaa sheegay in roobabka mahiigaanka ah ee deyrta maalmihii la soo dhaafay ay ka da’ayeen degaanno ka tirsan gobolkaas.

Waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin roobabka ka curtay gobolka Bay, waxaana la soo sheegayaa in weli degaannada gobolka Bakool aynaan wax roob ah ka da’in.

Gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay kamid yihiin gobollada ay ka jirto abaarta daran ee saameysay dadka iyo duunyada inkastoo gobolladu kala daran yihiin, haddana dadkaasi weli ma aysan helin gargaar beni’aadanimo oo uga yimid dowlad, maamul ama hay’ad kale.

Idale News Online, Baydhabo