Dhageyso:Roob Ka Da’ay Gobolka Bay Oo Geestay Qasaaro Nafeed Iyo Mid Hantiyeed

0
206

Baydhabo(INO)-Wararka laga helayo degaanka Goofgaduud ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Rob ka da’ay halkaasi ay ka dhasheen Khasaaro Naf iyo Maalba ah oo soo gaaray Dadka iyo Xoolaha ku dhaqan Degaanka Goofgaduud ee Gobolka Bay.

Daadad ku Rogmaday degaanka Goofgaduud ayaa qaaday Caruur iyo Xoolo aad u badan,waxaana jirta in Mid kamid ah Caruurta Meydkiisa la helay,halka kuwa kale wali la la yahay Nolol iyo Geeri.

Afhayeenka Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Cashar Nadaara oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay hadda socoto Gurmad lagu samatabixinayo  Dadka ay daadadku qaadeen,waxaana uu Xusay in Arrintaan ay ka danbeysay Roob Xoog badan oo halkaa ka da’ay.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Madaxweynaha Dowlada  Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku baaqay in Dadkaasi Gargaar Deg Deg ah lala soo gaaro,iyadoo uu baaqaasi u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here