Baladweyne ( INO)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in Gelinkii dambe ee shalay Askari ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM eek u sugan xerada Lama Galaay ee Magaaladaasi uu rasaas huwiyay Askar kale oo Saaxiibadiis ahaa.
Inta la ogyahay 2 Askari oo Jabuutiyaan ah ayaa ku geeriyooday Rasaastaasi halka 3 kale ay ku dhaawacmeen iyadoona gacanta lagu dhigay Askariga falkaas geystay sidaas waxaa Shabelle u xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan.
Askariga falkaasi rasaasta ah geystay ayaa la sheegay in Madaxa looga jiray marka uu tacshiiradda huwiyay Saaxiibadiis.
Dhacdadaan ayaa ah tii ugu horreysay nuuceeda ee ka dhex dhacda Askarta AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ku sugan Magaalada Baladweyne.