Muqdisoho(INO)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si rasmi ah waxaa uu xil ka qaadis ugu sameeyay Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta Mr Guuleed Xuseen Qaasim.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa xilka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta loogu magacaabay Maxamed Jaamac Mursal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xubnaha Golaha Wasiirada, waxaana uu ku war geliyay xil ka qaadista Guuleed iyo magacaabista Jaamac oo labadaba ah isku heyb.
Xil ka qaadista Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim ayaa aheyd mid labadii todobaad ee la soo dhaafay la hadal hayay, waxaase shaacinteeda lala sugayay imaanshaha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha midkood, maadaama ay safaro dibada ugu maqnaayeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay markii hore isku fahmeen xil ka qaadista Wasiirkii Boostada, waxaana Wasiirka cusub Maxamed Jaamac Mursal la sheegay inuu aad ugu yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Waa Wasiirkii 3aad ee uu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid xilka ka qaado, waxaa dhowr bilood ka hor Ra’iisul Wasaaruhu xilalka ka qaadya Wasiiradii Ganacsiga iyo Tamarka.
Idale News Online, Muqdisho