Ra’iisul Wasaare Ahmet Davutoglu oo waqtigii loo qabtey in dowlad wadaag ah ku keeno uu gabaabsi yahay

0
249

Ankara (INO) – Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Ahmet Davoglu ayaa bilaabey wada hadalo uu la leeyahay  seddexda xisbi ee kaalimaha 2aad, 3aad iyo 4aad ka galey doorashadii  dhowaan ka dhacday dalka Turkiga,  Ra’iisul wasaaraha ayaa raadinaaya taageerada mid ka mid ah xisbiyadaas si loo dhiso xukuumad wadaag ah oo labo xisbi ka kooban. Kulamadaani ayaa imaanaaya ka dib markii xisbiga AK Party ee Ra’iisul Wasaare Davutoglu oo talada wadankaasi hayey muddo dheer, barlamaanka ka waayey kuraas ku filan oo uu ku soo dhiso xukuumad ka kooban Xisbiga AK party oo kaliya.

Wareegii koowaad oo wadatashiyo iyo kulamo gaar gaar ah oo  dhex maraaya Ra’iisul Wasaare Ahmed Davutoglu iyo xisbiyada kale ee dalkaasi ayaa bishan July 13-keeda bilowday waxaana kulankii ugu horeeyey uu  dhex maray Madaxa Xisbiga Jamhuuriga (Republican People’s Party) Mr Kemal Kilicdaroglu oo xisbigiisu kaalinta 2aad ka galey doorashadii bishii June ee sanadkaan.  Lamana shaacin  ilaa iyo hadda natiijada kulankooda iyo in ay ku heshiiyeen  dowlad wadaaga iyo in kale.

Turkish Foreign Minister Ahmet Davutoglu is photographed during meeting at the Foreign Ministry in Islamabad

Sidoo kale Ahmed Davutoglu ayaa maalintii xigtay ee bishan July 14keeda waxaa uu xarunta Xisbiga AK party kulan kula yeeshay hogaamiyaha Xisbiga Dhaqdhaqaaqa wadaniyiinta ee MHP ( The Nationalist Movement Party ) Mr Devlet Bahceli oo xisbigiisu kaalinta 3aad ka galey doorashooyinkii dalkaasi.  Uugu dambeyntii waxaa kulankii wadatashi ee wareegii koowaad uu dhex maray Ra’iisul Wasaare  Davutoglu  iyo mid ka mid ah hogaamiyeyaasha Xisbiga (Peoples’ Democratic Party “HDP”)  Mr Selahattin Demirtas hase ahaatee lama shaacin waxa ay kulamadaasi ku soo dhamaadeen.

Wareeg labaad oo wada  hadalo ah ayaa dhinacyadaasi mar kale loo balamey kuwaasoo la qorsheeyey in ay dhacaan munaasabada ciida ka dib,  sidaasina waxaa munaasabad lagu weyneynaayo bishaan Barakeysan ee Ramadaan ka sheegay Ra’iisul Ahmet Davutoglu oo xafladaasi joobjoog ka ahaa.

Davutoglu oo hadda ay ka sii dhamaaneyso muddadii 45 cisho ee aheyd inuu ku soo dhiso xukuumad ((Majority Goverment), taasoo u badan xisbiga Cadaalada iyo Horumarka (AK Party) oo helay kuraaska ugu badan ee barlamaanka dalka Turkiga doorashadii guud ee  dhacdey June 7deeda ayaa u muuqda mid aan ku guulaysan karin inuu dhiso xukuumad maalmaha kooban ee u harsan. hase ahaatee waxaa la dhowrayaa marka natiijada ka soo baxda wareega labaad ee loo balamey bacdul ciid.

In kastoo xisbiga AK Party uu ku soo baxay kaalinta koowaad, haddana kuma guuleysan inuu helo kuraas ku filan oo uga maarmo dowlad wadaag ah. sidaasi darteed waxaa xisbigiisa qasab ku ah  in xisbiyada kale ee barlamaanka la yeesho isbaheysi  si xukuumad dalku u yeesho.

Haddiisa Ra’iisul wasaare Davutoglu  ku guuldareysto inuu keeno xukuumad wadaag ah, sida dhaqanka siyaasadeed ee dalkaasi ka jira sheegayo waxa Madaxweyne Erdogan u banaan fursad uu siiyo  xisbiyada kale ee haysta kaalinta 2aad  in markooda muddo 45 cisho ah ku keenaan xukuumad midnimo qaran.

Haddii iyaguna ay  sidoo kale ku guuldareystaan in ay dhisaan xukuumad,  marka kale Madaxweyne Ordogan waxa uu sharcigu siinayaa  in uu iclaamiyo doorasho guud oo mar kale dalkaasi ka dhacda  bisha November ee isla sanadkaan 2015, isla markaana waxa uu madaxweynuhu muddo 5 cisho gudahood ku magacaabaayaa Ra’iisul Wasaare ku meel gaar ah oo looga fadhiyo inuu isaguna soo dhisa xukuumada ay ka wada muuqdaan dhamaan xisbiyada dalkaasi oo dhan. mudadooduna ay kooban tahay.

Idale News Online, Ankara, Turkey