Doorasho Noocee ah ayaa lagu wadaa in Somalia ay ka dhacdo Sanadka 2016?

0
235

Muqdisho (INO) – Tan iyo markii ay soo xoogeysteen in dalka Soomaaliya doorasho xor aysan ka dhici karin isla markaasna dhinacyada siyaasada Soomaaliya isku diideen barnaamijka higsiga 2016. ayaa waxaa kulamo hoose oo lagu gorfeynaayo siyaasada xiligaan kala guurka yeeshay Xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee dowlada, waxayna si hoose isu tuseen in habka kaliya ee looga gudbi karo isqabqabsiga iyo khilaafyada higsiga 2016 uu yahay  in la kordhiyo oday-dhaqameedyadii rasmiga ahaa ee tiradoodu aheyd 138 xubnood lana gaarsiiyo tiro aan weli la cayimin, hase ahaatee warar  hoose oo idalenews online ay helayso ayaa sheegaaya  in odayaasha dhaqanka la rabo in tiradoodu noqoto tiro u dhaxeysa 500 ilaa 1000 oday kuwaasoo iyagu dooranaayo xildhibaanada bedelaayo kuwa hadda jooga ama dib u soo dooran doona.

Ujeedada ka dambeysa arrintaan ayaa lagu sheegay in lagu rabo in lagu yareeyo masuqmaasuqa oday dhaqameedyada la tuhmaayo in ay gacan bidixeeyaan marka la gaaro xiliga soo xulista xubnaha barlamaanka iyo  in lala wadaago go’aan ka gaarista soo xulistooda. Arrintaani ayaa ah mid duubabka dhaqanka culesy lagu saaraayo maadaama ayuu oday-dhaqameed qura uusan awood u yeelan doonin magacaabista xildhibaanada hase ahaatee talada ay kala dhexayn doonto duubabka kale ee beeshiisa.

Qorshahaan lagu kordhinaayo tirada duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa la filaayaa in uu ka soo baxo shirweyne ay garwadeen ka yihiin xafiiska qaramada midoobey ee Somalia isla markaasna uu wax ka og yahay madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo la qorsheynaayo in uu ka furmo  magaalada caasimada ee Muqdisho horaanta  bisha November ee sanadkaan

Qorshahaan  oo u muuqda mid ka  yara duwan qaababkii hore ee  xildhibaanda qaranka Soomaaliyeed  lagu soo xuli jiray ayaa waxaa la ogeyn sida ay u ogolaan doonaan xildhibaanada barlamaankaan ee hadda jira. Hase ahaatee  waxaa hubaal ah in badi dhinacyada siyaasada Soomaaliya in ay ku wada qancaan doonaan maadaama ay adag tahay in ay ku wada heshiiyaan qorshaha maamul goboleedyada, doorashada gobolo iyo degmooyin gooni ah ka dhaca  iyo weliba nidaamka axsaabta badan oo sababo amni daro awgeed aan dalka oo dhan looga dhaqan galin karin.

 

Idale News Online, Muqdisho