Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Tayip Recep Erdogan ayaa sida AlCarabiya ay shaacisay ku guudiyay in dalka uu ka masaafurin doona safiiro oo ku tilmaamay in daandaansi ay ku hayaan dalka Turkiga.
Hadalka kasoo yeedhay Ra’iisulwasaare Erdogan ayaa kusoo beegmay iyadoo ay jirto fadeexad musuqmaasuq oo lagu eedeeyay qaar kamida wiilasha wasiirada arimaha gudaha iyo dhaqaalaha iyo gudoomiyaha Bangiga dowlada ee Halbank.
Wasiiradan ayaa la sheegay inay yihiin wasiiro aad ugu dhow ra’iisulwasaare Tayip Erdogan.
Ra’iisulwasaare Tayip Erdogan ayaa xilkii ka eryay taliyihii Booliska magaalada Istanbul taas oo dadka kasoo horjeeda dowlada RW Dayib Erdogan ay ku tilmaameen talaabo wax loogu dhimayo baadhitaanada ka dhanka musuqmaasuqa oo ku socda wiilasha wasiirada.
Dowlada RW Tayip Erdogan oo ilaa iyo sanadkii 2002 dalka soo xukuntay ayaa waxay reer galbeedku iyo cilmaaniyiintii Turkigu ku eedeyaan inay tahay dowlad u janjeedha xaga diinta islaamka sidaa darteedna waxaa jira cadow badan oo ku dedaalaya sidii loo ridi lahaa dowlada Ra’iisulwasaare Tayip Erdogan.
Isha warka Alcarabiya