Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed oo xildhibaanada Gobalka Gedo kala hadlay xiisadaha gobalka ka taagan kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay.

0
167

Warar aan ka helnay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha uu kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada ka soo jeeda gobalka Gedo kuwaasoo uu kala hadlay nabadeynta degmada Baladxaawo iyo guud ahaan gobalka.

Dhinacayada ayaa intii uu socday kulankooda waxaa looga hadlay sida dowladda ay uga qeyb qaadan karto daminta xiisadaha Gedo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaanadani ayaa sheegay in ay xukuumaddu kaalin muuqata ka qaadanayso nabadeynta goballada dalka oo ay colaaduhu ka taagan yihiin.

Xildhibaanada kulanka la qaatay Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh ayaa lagu wadaa iyaga iyo waxgarad ka soo jeeda gobalka Gedo inay aadaan degmada Doolow saacadaha soo socda si ay uga qeyb qaataan xalinta colaadaha isla markaana uga qeyb galaan gebagebada shir-weynaha nabadeed ee degmada Doolow.

Degmada Doolow ee gobalka Gedo ayaa waxaa weli ka soconaya shir-weyne Nabadeed oo ay ka qeyb galayaan xubno ka kala socda dowladda, maamulka KMG ee Jubba, Ahlu Sunna iyo waxgaradka gobalka Gedo, waxaana rajo fiican laga muujiyay in shirkaasi ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool leh oo anfaca dadka wada dega gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

RW.Cabdiwali

Idale News Online, Muqdisho.