Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu ku wargeliyay inay wax ka qabtaan cabashada dhanka ammaanka ah ee kasoo yeeraysa dadka ganacsatada ah ee ku dhaqan Suuqa Bakaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha oo si cadho leh uga hadlaye cabasho maalmahan kasoo yeeraysa ganacsatada suuqa Bakaaraha oo ay ugu horeyso dhac ganacsatada rag hubaysan ay ugeystaan.
Hay’adaha ammaanka dlaka Soomaaliya wuxuu ku tilmaamay inay yihiin kuwa laga rabo ka shaqeynta amniga iyo in shacabka Soomaaliyeed si nabadgalyo ah ay ugu noolaadaan dalka.
C/wali Sheekh Axmed Maxamed wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan marnaba udulqaadan doonin dhibaatooyinka dhanka ammaanka ah ee ay la kulmaan ganacsatada suuqa Bakaaraha ku dhaqan.
Maalmo kahor ayeey aheyd markii rag hubaysan ay dhaceen Shirkada S Company ee ku taala Suuqa Bakaaraha, halkaasi oo ay ka qaateen lacago badan.