Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo ku soo wajahan Muqdisho

0
200

Muqdisho(INO)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, oo ay wehliyaan Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa maanta ku soo wajahan magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka booqashada Mas’uuliyiintan ayaa salka ku haya ka qeyb galka shirka madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo doorashooyinka sanadka 2016, iyadoo shirkan lagu soo bandhigi doono doono fikrad uruurintii laga sameeyay gobolada dalka.

Shirarka looga hadlayay hanaanka doorashooyinka sanadka 2016 ayaa hakad galay, kadib markii ay dhaceen dagaalo u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda maamul goboleedyada ay ku mashquuleen xalinta dagaaladaas.

Aragtida shacabka ee la xariira doorashada ka dhici doonto dalka ayaa ku kala qaybsan. Mamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay inay ku haboon tahay in lagu saleeyo hab deegaan, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed soo jeediyeen in lagu galo doorashada nidaamkii 4.5 kaasoo hadda dowladdu ku dhisan tahay.

Shirarka wada tashiga ayaa lagu wadaa in maalinta berri uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana looga arinsanayaa nooca doorasho ee dhici karta sanadka 2016, waxaana jira kala aragti duwanaansho Madaxda Maamul goboleedyada ee xubnaha ka ah Madasha wada tashiga qaran.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here