Banaan baxyo ayaa dib uga soo cusboonaaday dalka Turkiga, iyadoo isku dhacyo xoog leh ay ciidamada ka hortaga rabshadaha iyo dad careysan uu ku dhex marayo magaalooyinka dalkaas.
Banaan baxan ayaa ka dhashay, kadib geerida wiil yar oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray rabshadihii sagaal bilood ka hor ka dhacay magaalada Istanbul ee looga soo horjeeday dowladda uu hogaamiyo Recep Tayyib Erdogan.
Wiilkan da’da yar oo lagu magacaabo Berkin Elvan ayaa in muddo ah ku jiray xaalad miyir beel ah, kadib markii madaxa uu ka gaaray dhaawac ka dhashay rasaasta cinjirka oo ciidamada ammaanka ku kala ceyrinayeen dibad baxayaasha bishii June ee sanadkii hore.
Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gul ayaa ku baaqay nabad, inta ay socoto aaska wiilkan yar, waxaana isa soo taraya banaan baxyada ka dhanka ah dowladda Turkiga ee ay dhigayaan dad careysan.
Dibad baxayaasha ayaa ku baaqayay halku dhigyo ay ka mid yihiin ha is casisho dowladda Recep Tayyib Erdogan, waxaana rabshadahan dib uga soo cusboonaaday Turkiga laga cabsi qabaa inay ku faafaan magaalooyinka dalkaas.
Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa wajahaya dhaliilo xoog leh iyo musuq maasuq lagu eedeeyay xukuumadiisa, kadib markii dhowaan barta Internet la soo geliyay cod la sheegay in isaga iyo wiilkiisa oo taleefan ku wada hadlayay oo ahaa inuu lunsado wiilkiisa lacago malaayiin doolar ah.
Dhamaadkii sanadkii hore ayaa waxaa is casilay dhowr wasiir oo ka tirsan Xukuumada Turkiga, markii ay soo baxday fadeexado musuq maasuq ah oo lagu helay wiilal ay dhaleen wasiirada.