Assalamu’alaikum warahmatullahi wabarakatuh السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ
Salaan kadib Waxaan markasta iyo meelkastaba ugu mahadnayaa ALLAH oo inoo suuro galiyay in aynu isgaar’siino Ee waxkastana inoo fudaydiyay,
Waxaan kaloo aad u salaamayaa dhamaan bahda Saxaafada qaybaheeda kala duwan iyo bahda akhristayaasha,
meelkasta oo ay dunida ka Wada joogaan, Salaan kadibwaxaan idin soo gudbin doona maqal aynu ku ifineyno wadaniga iyo waxyabaha laga doonayo. waayo wayahaan dambe waxaa la arkaa muwadan dadkiisa iyo dalkiisa dan ka lahayn oo mucarad ku ah danahiisa iyo jiritankiisa meeshii uu ka ahaan lahaa muxaafid diintiisa. dalkiisa. iyo dadkiisa jecel ee u dhinto,
Muwaadinimadu waa habka la doonayo in qofkastaa adeeco-aqbalo sharciga lagu hago dalkasta oo uu
markaa joogo aamin san yahay dalkiisa, dawladiisa,waxsoosaarkiisa-waxaaana jira waxyaalo badan oo uu xaq u Leeyahay qofkast oo muwaadin ah oo dalkana u dhashay waxaana ka mid ah, inuu helo xuriyad wadaninimo,
inuu u codayn karo oo dooran karo cidii uu rabo,
in ay dalka ku soo noqon karaan waa haddii uu ka baxay ama ka maqan yahay dalkiisa,
in ay dadkooda caawin karaan lana caawin karo,
in uu shaqaysan karo loona shaqayn karo,
in uu ganacsi abuuran karo,
in uu wax baran karo waxna bari karo,
in uu wax badali karo waxna laga badali karo,
Muwaadin Kastana Waxaa Xaq Loogu Leeyahay,
inuu raaco sharciga wadanka inoo wada yaala,
inuu bixiyo cashuuraha Looga baxanyahay Qofka muwaadinka ah,
inuu caawiyo oo uu u adeego Bulshada. dawlad. iyo ciidanka wadankiisa,
inuu markasta la shaqeeyo dawlad kasta oo hogaanka haysa waa haddii loo baahdo,
inuu difaco qofkasta oo Xalis ku sugan ee ku nool wadankiisa,
Hadaba hadaan intaa ku soo dhaafo inta xaq uu u leeyahay muwaadinku iyo inta xaq loogu leeyahay waa ay badan yihiin laakin intaas ayaynu kaga baxaynaa ,laakin haddii aynu ka hadleeyno muwaadinimada dhabta ah ee ka jirta guud ahaan Muwadiniinta Somaliyeed waa mid aad u hooseysa oo aynu ku qiyaasi kareyno 40% ayaa dadka la odhan karaa waa muwaadiniin maxaa yeelay bulshada reer Somaliyeed waa inta dalka joogtee dhamaantood ay dayaceen muwaadinimadii dhabta ahayd ee looga baahnaa waxaana ka mida
Ma ilaashadaan dhulkooda,
Ma beertaan dhulkooda,
Ma sugaan xuduudahooda,
Ma baraan ubadkooda wadaniyada dhabta ah ee looga baxan yahay muwadinka,
Ma nadiifiyaan dhulkooda,
Mana joogaan dhulkooda,
Waxaanay Ku Badasheen Oo ay markasta Diyaar u Yihiin Sidatan:
inay dalkooda ka dhoofaan,
inay dalkooda ka tahriibaan,
inay dibada wax kala soo dagaan iyadoo ay buuxaan dhulkooda iyo beerahoodi’ba,
inay gacan siiyaan cidkasta oo dalka soo galaysa walaw waa haddii ay wadaan abni daro,
inaay abnigooda gacanta u galiyaan Cadowgooda,
inaanay niyada ku hayn in dhulku dhulkoodii yahay. dadkuna dadkoodii yay,
inaanay Lahayn uur jecloba dalka iyo dadkaba.
iyadoo taasi jirto ayaa waxa kaba sii daran ubadkeeni iyo dhalaankeeni waxa markasta la baraa taariikho Wadamo kale iyadoon marnaba aan la barin taariikhda dhabta ah ee ay somalida leedahay walaw ay jiraan buugag badan oo la qoray kuna saabsan wadaniyada laakin aan lagu darin manhajyada iskuulada,
Waxay taladaydu tahay in Xil weyn laysu wada saaro Barashada Muwaadin nimada. sidoo kale ilmahana la baro dhagankooda saliimka ah iyo muwaadin’nimada dhabta ah ee looga baxan yahay Muwadanka dhabta ah,
Dhamaan guud ahaan umada somaliyeed iskuuladeeda ma jiraan meel gaara oo lagu dhigto wadaniyada iyo qaybaheeda kala duwan.
iskuulada dawladana laguma darin wax buuga oo ka hadlaya muwaadin’nimada iyo wadaniyada dhabta ah, iyadoo loo baahan yahay in qofkastaaba uu aqoon buuxda u yeesho wadankiisa iyo guud ahaanba dhaqanka guud ee soo jireenka ahaa waxa laga rabo muwaadinkasta waxa uu xaq u leeyahay iyo waxkasta oo isaga xaq loogu leeyahay koly dhamaan dadka reer somaliyeed waxay u baahan yihiin in basic ahaan ama asaaska laga soo dhiso oo la baro muwaadin’nimada dhabta ah, laakin hadda wax badan ayaa ina dhaafay wax badana waa ay inoo harsan yihiin laakin waxaan ku soo koobayaa maqaalkayga talooyinkan hoose,
1-in dhamaan manhajka somalida lagu daro muwaadin’nimada iyo qaybaheeda kala duwan,
2- in la sameeyo buugaag badan oo loo qaybiyo dhamaan shacabka ku kala nool gobolada somaliyeed,
3- in mogdisho iyo magaaloyinka waweyn laga sii daayo barnaamij ku saabsan wadaniyada iyo waxkasta oo hoos yimaada,
4- in cidkasta laga dhaadhiciyo oo loo sharaxo waxa ay tahay muwaadin’nimadu,
5- in dadka la baro sida loo ilaashado wadanka iyoBulshadooda, loona nadiifiyo wadooyinka,
6- in la sameeeyo olole ka dhan ah barashada muwaadin’nimada dhabta ah,
7- in la sameeyo buug qaran oo cidkastaaba akhrisan karto loona aqoonsado buuga muwaadinka,
8- Buuga waa in uu ku qoronaada labada Af Somaliyeed ee waweyn oo kala ah Afmaay iyo Afmaxaatiri,
Waxaana intaa kaga baxaya in si deg-dega looga hawl galo sidii loo bari lahaa dhamaan umada somaliyeed muwaadin’nimada. sidii loo bari lahaa dal ilaashiga, sidii loo bari lahaa wadaniyada, sidii loo bari lahaa wax beerashada, sidii loo bari lahaa wax wada qabsiga, sidii loo bari lahaa wax soo saarka, sidii loo bari lahaa ilaalinta ama dhoorinta diintiisa. dhulkiisa. dadkiisa. iyo nabadiisa, sidii loo bari lahaa in la hagaajiyo waxkasta oo inaga qaldamay,
sidii loo bari lahaa bad badinta sharciga wadanka inoo yaalo. sidii loo bari lahaa la dhaganka bulshada iyo badbaadinta bulshadiisa. allahee wax badbadshee.
Waxaan rajaynayaa in dad badan iyo masuuliyiin badanba wax ka qaban doonaan maqaalkan iyo ujeedadiisuna waa sidii bulshada reer somaliyeed loo bari lahaa wadaniyada. ama muwaadin’nimada dhabta ah.
Xusuusnow taariikhda wadankaaga, dhaqankaaga, kuna dhaqan sharciyada u yaala wadankaaga si loo gaaro halka la hiigsanayo.
Baro waxna bar muwadin’nimada kana shaqeeya horumarka bulshada iyo wax wada qabsiga, maqalkeyga waxaan ku soo af jaraya hala wada barto muwadin’nimada .
W/D: Osman Mohamed Moalin.