Qormo Xiiso Badan”Aabe Cawa kasta Nala Cashee” By: Asad Abukar Ali

0
488

Muqdisho(INO)Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa jawi ka duwan jawigii lagu yaqaanay taasoo ay sabab u tahay qaadkii ka iman jiray Dalka Kenya oo hakad gallay ka dib markii ay Ganacsatada Qaadka soo dhoofin jiray ay sheegeen in ay hakinayaan iyagoo ka cawday Canshuur ay sheegeen in ay dowlada Kenya & Tan Soomaaliya si xad dhaaf ah ugu kordhiyeen.

Asad Dhaayow

Hadaba Sababta igu kaliftay inaan qormadan qalinka ugu qaato ayaa ah in joojinta qaadka uu sababay marxallad ka duwan tii caaddiga aheyd ee shacabka la qabsaday. Marxaladahan ayaa ah kuwa lagu farxo oo joojinta qaadka ay soo dhoweenayaan dad badan & dhanka kale mid ku murug galinaysa taasoo ah in qoysas badan  Shallay & maantaba Dabkooddu dammay oo caruurtoodda ka qadday,.

Waxaa jiray xallay rag caruurtoodda aan arag muddo xili fiid ah in ay la casheenayeen oo qarashkii ay qaadka ku iibsan jireen ay Hilib ari dhaylo ah ku iibsaday taasoo faaido u noqotay iyaga & Qoyskooduba, Xallay waxaa aqallo badan kasoo cartamayay Unnsi iyadoo mudo aan laga shidin aqladaasi Uunsi, waxaana u sabab ahayed hakinta qaadka waxaa jirtay in maqaayadihi ay ciriiri noqdeen xallay oo si aad ah wax u cunayeen kuwa qayilla maadaama ay fursad u helleen waqti ay wax ku cunaan.

Waxaa jirtay in rag badan ay Hurdo la dhaceen oo jiiftay maadaama Hurdo badan ay u baahnaayeen. Sidoo kale waxaa jirtay in Rag badan oo waardiye ka ahaa goobo amaankoodda si wayn loo addkeeyo oo rag kale oo aan qaadka cunin lagu badalay, waayo waxaa laga baqayay in ragan ay Hurdaan oo shaqadoodi dayacanto maadaama ay ahaayeen kuwa u bartay qaadka cunistiisa in ay kusoo jeeddaan.

Xalay waxaa si aad ah u gadmay Kafeeyga oo rag badan isaga illaalinayay Hallaaqada & Caajiska ay u sababtay Daroogada Qaadka ay la qabsadeen. Muqdisho waxay ahayd Xallay mid aad u camiran waayo rag boqolaal gaaraya oo aan la arag dhowaan lagu arkay iyagoo goobaha fadhi ku dirirka ku caweynaya.

Sidoo kale waxaa jiray rag iyaga is ogaadday xallay uun in ay (Areebo) Dhusuq laawayaal yihiin waxayna Waqti siinayeen in ay dhar cusub xirtaan islamarkaana Timaha iska jaraan oo ay dadka isku daraan.

Intaas marka ay jirto hadana waxaa jirta dhanka kale marka laga eego in Qoyas laga yaabo in Hooyada uun ay ku tiirsanaayeen oo qaadka ay iibiso ku maareen jirtay ay maanta jiifaan oo gaajo aysan mudoo arag la kici la’.

Waxaa shaki ku jirin in faaido badan laga arkay hakashadda qaadka qarash aad u fara badan oo meel aan munaasib ahayn ku baxay wadanka gudihiisa, Taasoo noqotay faaido wayn oo laga dareemay Magaalada dhan.

Waxaa shaki ku jirin in rag badan oo ka mid ahaa in ay ogaadeen faaido darada cunista qaadka uu u lahaa iyagoo ka qooma maynayay kuna qanacsanaa in waligiisa iska maqnaado qaadka.

Waxaa jirtay Qiso gaaban oo dhacday Xallay oo aan ka tagi Karin taaso  ahayd in gabar yar oo aabaheed aad u  jeclayd aabahana uu ka mid ahaa raga aan inta badan xaafada xaadir ku aheyn oo xili danbe yimaada ay xallay si aad ah ugu dhaganayd  aabaheed iyadoo laheyd “AABE CAWA KASTA NALA CASHEEY, QAADKA HA CUNIN”

Qof walba waa garan karaa natiijadda micna la,aanta ee ka danbeysa Cunista qaadka waana ku faraxsanahay in Xallay Caruur badan Aabahood la casheeyeen oo waliba Gabdho badan oo Xaajigoodda mudo arag la cawynayay Xallay oo ay Amin Hore seexdeen ,, Halkii waagii hore laga yaabo in Caruurta oo jiifta uu xaajiga iman jiray ka dibna Gabadhi maskiinta aheyd xiligaas cunto Kululeys gasho iyadoo daallan.

Hadaba Arinta aan kusoo gaba gabeeynayo waxa ay tahay in si toos loo joojiyo qaadka sida Dalalka reer galbeedka oo hormuudka u aheyd Dalka London oo dhalinyaro Soomaaliyeed ay u istaageen joojinta qaadka, balse waxaan u codsanayaa Dumarka ka xamaasha ee ku maareeya noloshoodda & tan qoyskoodaba in ay hellaan shaqo u badasha iibinta qaadka si nolsha qoyskeeda Qatar u gallin.

W/Q:  Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)
 Idale News Online, Mogadisho

Email asaddhayow@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here