Qormo: Barbaartii Bristol & Brigham, Barjaysi & Baashaal Bay baladkaan Banaadir Beesadooda ugu Bogeen By: Asad Dhayow.

0
208

Iyaddoo Dalka Britain si rasmi ah looga mamnuucay qaadka bishii July
ee sanadkan ayaa waxaa dhacday in qaar ka mid ah dhalinyarada reer UK
oo si aad ah ula qabsaday cunista Qaadka haatan jahwareer ku dhacay
maadaama Daroogadii ay qabatimeen ay qaadariyo ku qabatay.

Dalka Kenya oo ahaa halkii loogu dhoofin jiray qaadka ayaa hoos u dhac
dhaqaallo haatan ku dhacay iyadoo xitaa siyaasadaha dalalka Kenya &
London ay noqotay mid sii liidanaysa, ka dib markii ay ka dhabeysay
dowlada UK in ay gabi ahaanba mamnuucday qaadkii loo iib geyn jiray
Dalkeedda.

Soomaaliya oo iyadana ka mid ah dalalka Kenya looga keeno qaadka ayaa
si waalan loogu soo weeciyay qaadka intiisa badan, taasoo sababtay in
qiimaha Qaadka uu hoos u dhac ballaaran ku yimaaddo, kuwa
Muqayilliinta ahna ay Fursad u arkeen oo maalinwalba waqtigoodda
qaaliga & Lacagtoodaba ku lumiya, iyadoo qoysas badan uu sabab u
noqday in ay kala tagaan, ka dib markii uu Aabaha guriga daryeeli
waayay Qoyskiisa qaadka awgiisa.

marka laga soo tago dadka ku sugan Soomaaliya ee fursada u hellay
qayillaadooda raqiista ah ayaa waxaa jira qaar ka mid ah dhalinta
Soomaalida oo iyaga si aad ah ugu qayili jiray Dalka Ingiriiska ay
haatan usoo Qayilaad doonta Dalka Soomaaliya Caasimadiisa Muqdisho si
ay uga qayillaan oo qaadiriya isaga gooyaan sida ay iyagu aaminsan
yihiin.

wixii ka danbeeyay mamnuucistii Qaadka ee Dowlada U.K ayaa la arkayay
hoteellada yar yare ee Caasimada Muqdisho ku yaalla oo soo
buuxdhaafinayay Muqayiliin ka imanayay dalka Ingiriiska oo qaadka laga
mamnuucay.

Dhalinta soo qayilaad doonata ee ka timaadda UK aya la sheegay in
aysan cunin Qaadka Raqiiska ah ee loo yaqaano LAARIGA,balse ay ku
qayillaan midka loo yaqaano GIZAHA oo marduufkiisu yahay 40$, Mid ka
mid ah haweenka ka ganacsada qaadka, ayaa ii sheegtay in Dhalinyaro
Diesporaha ay rukun u yihiin oo ay ka qaataan qaadka loo yaqaano
GIZAHA.

Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa isasoo taraya imaanshaha kuwa
qayila iyagoo fasax soo qaata uguna soo sheekeeya reerkooda in ay soo
fiirinayaa Dalkoodda Hooyo maadaama Xasilooni gaaban la hellay,
kadibna horey usoo qaata Qarash aad u fara badan oo ay ugu talla
gallaan qayillaada.

“dhowr cisho markii aan ka gadano ayaa waxaa hadana noo yimaada kuwa
cusub,koley waa isku asxaab ayaan fillaa oo isku yeerta” ayey tiri mid
ka mid ah haweenka ay u rukuman yihiin kuwa qayilla.

Haweynadan oo diiday in aan isticmaalo magaceedda ayaa ii sheegtay in
xitaa fadhigoodda loogu geeyo oo aysanba iman Meesha lagu iibiyo
“Wiilasha yar yare ee illa shaqeeya ayaa hoteelkoodda ugu geeya
maalinkasta,markii hore ee aan isbaranaynay ayeey ii iman jireen ,
balse iminka waxaa noqonay macaamil, fadhigooda ayaan ugu geeyaa waa
wiilal fiican” ayey tiri haweynda qaadka iibisa iyaddoo dhoolla
cadeynaysa.
Mar aan wax ka weydiiyay sida ay lacagta ku bixiyaan ama in ay ku
dhibaan ayey ii sheegtay iyada laftigeedda in ay u haysto dhowr boqol
dollar oo aysanba jirin wax muran iyo iska hor imaad, balse ay isla
socdaan xisaabta maalinba wixii ay qaataan.

Qaadka ayaa ah maan dooriye Qatar ah Hay’adda Cafimaad Aduunka WHO
ayaa sheegtay in uu Qatar u yahay caafimaadka uuna aad u kiciyo
dhiiga, Islamarkaana uu daciifiyo raganimda.

Dowladaha waaweyn waa y ka mamnuuceen wadamadooda balse wali
wadankeena waa loo tag la,yahay Waxa la sheegay in Maaalinkasta dalka
Kenya ay ka hesho lacag Malayiin dollar ah.

Hadaba waxaa ayaan daro ah in wiilal Soomaaliyeed in ay waqtigooda
Qaaliga ah & Qarashkooduba ku lumiyaan Qaad aan wax faaiddo ah lahayn,
waxaaba kasii daran kuwa iyaga beryahan balad dheer sida Bristo &
Brigham, kaga yimaaddo barjeynta oo waliba beesadooda baryanti u
bixiya;Asad Dhaayow

Waxaa Nasoo Gaarsiyey Asad Dhaayow