Qoraal kasoo Baxay Dowlada Mareykanka Oo Si Aad Ah Loogu Liiday DFS

0
552

Muqdisho (INO) – War qoraal ah oo kasoo baxay dowlada Mareykanka gaar ahaan waaxda arimaha dibada ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan awood u laheyn iney qabataa shaqsiyaadka Al-Shabaab iyo ururada maalgelinaya Alshabaab.

Sida warka lagu sheegay dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale awood buuxda u laheyn iney baaritaan ku sameyso dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya, iyadoo sidoo kale aysan awood u laheyn iney daba gashaa dadka falalka soo maleegaya.

Qoraalka waaxda arimaha dibada Mareykanka ayaa sidoo kale  lagu sheegay in dowlada gaar ahaan qeybaga cadaalada dalka aysan laheyn agab iyo qibrad ay arimahaasi kaga hortagaan.

Alshabaab ayaa dhaqaalo badan ka heli jiay iib geynta dhuxusha sharci darada ah iyo sokorta.

Hadalkaan kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Dawlada Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay daqliga ugu badan ay ka hesho wax soo saar sharcidaro ah oo ay ka samayso dalka Gudihiisa, Dhoofinta Dhuxusha,Canshuur ay ka qaataan Ganacsatada iyo shaqsiyaad sigaar ah u taageera.

Idale News Online, Muqdisho