Qodobbo laga bedelayo dastuurka dalka + Qorshaha laga lee yahay iyo siyaasiyiinta wada

0
212

Muqdisho(INO)-Warar Idale News Online  ay ka heshay xildhibaanno ka tirsan BF Somalia, ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka tirsan DF ay wadaan qorshe dastuurka dalka wax looga baddalayo.

Dastuur1

Wararku waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo Wasiirkii hore Dastuurka Faarax C/qaadir, ay doonayaan inay qodobo quseeya arrimaha doorashada iyo waqtiga dowladda is-beddel ku sameeyaan ama si kale u dhigaan.

Xildhibaan la hadlay Idale News Online oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegaya in heshiis dhex maray labadaasi Mas’uul uu dhigayo inay baarlamanka iyo DF waqtiga loo kordhiyo, si taasu dhacdana dastuurka la baddalo.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay tahay mid Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Faarax C/Qaadir ay isla ogyihiin, balse uusan garaneyn si ay u hirgeli doonto.

Ujeedka ugu weyn ee dhaliyay heshiiska ayaa ah si qalqal loo galiyo goorta lagu balansan yahay Doorashada oo ay waxyar ka harsan tahay, waxaana Magaalada Muqdisho ka soconaaya kulamo u dhexeeyo Siyaasiyiinta Dam-Jadiid kuwaasi oo ka arinsanaaya qaabka ugu sahlan ee lagu jaan rogi lahaa nidaamka ka hor imaan kara Xil kororsiga.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here