QM oo sheegtay in Tobanaan kun ay ka barakaceen Deegaanka Qandala

0
177

Qandala ( INO)-Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ilaa iyo 25,700 oo qof  oo rayid ah ay ka Barakaceen Magaalada Qandala ee Gobolka Bari kadib dagaal halkaasi ku dhex maray Ciidamada Maamulka Puntland iyo Dagaalyahano ka tirsan Ururka Daacish.

Xafiiska isku xirka howlaha Gargaarka Bene’aadinimo ee Qaramada Midoobay ee UNOCHA in dadka barakacay badankood ahaayeen Caruur,Haween iyo Dad Da’ ah waxaana dadkaasi ka qaxay Qandala ay u soo dhaqaaqeen Magaalada Kismaayo oo u jirta Qandala 75 km.

Ururada Gargaarka iyo Maamulka Puntland ayaa ka walaacsan xaalada Beni’aadinimo ee haysta Qoysaska dhawaan ka soo barakacay Magaala xeebeedka Qandala sidaasi waxaa tiri hay’ada OCHA.

Hay’ada UNOCHA ayaa xustay in ay jiraan3,000 oo ah Barakacayaal hor leh kuwaasoo ay saameeyeen dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Qandala ee Gobolka Bari.

Xafiiska ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in gargaark deg dega ah la gaarsiiyo Dadka Barakacayaasha ah oo aan xilligaan haysan Hooy iyo weliba Cunooyin.