QM Oo Sheegtay In Al Shabaab Ay Askareeyeen Kumanaan Caruur Ah

0
350

New York (INO)–Hay’adda Qarammada Midoobay ee Qaabilsan Carruurta (UNICEF) ayaa shaaca ka qaaday in ay sii kordheysa Caruurta ay askareynayaan Xarakada Al Shabaab.

Madaxa Isku xerka Hay’adda Qarammada Midoobay ee Qaabilsan Carruurta (UNICEF) Susannah Price ayaa sheegtay in Askareynta Caruurta ay sii kordheysa, iyadoona intsi ku dartay in tirada haatan la diiwaan geliyay ay kabdan tahay kuwii hore .

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa Susannah Price waxey xustay in Xarakada Al Shabaab oo Dagaal xoogan kula jirta Dowladda Soomaaliya ay askareeyeen ku dhawaad 5,000 oo Caruur ah.

“Sanadihii u dambeeyay waxaa diiwaan gashnaa 2,000 ilaa iyo 3,000 Caruur ah kuwaasi oo la askareeyay balse xaqiiqdii haatan Caruurta la askareeyay ayaa tiro ahaan gaaraya ila iyo 5,000 kuwaasi oo da’aadoodu lagu qiyaaso 9 Sano” sidaasi ayey tiri Susannah Price.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sanadii 2015-ka waxuu saxiixay Heshiiska ilaalinta Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed, iyadoo Soomaaliya Heeshiiskii uga mid noqotay Dalkii 195-aad oo saxiixa Heshiiskaasi.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxa Isku xerka Hay’adda Qarammada Midoobay ee Qaabilsan Carruurta (UNICEF) ayaa ku soo aadaya xili Shalay loo dabaal dagayay Maalinta Caruurta Afrika.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.