Muqdisho ( INO)-Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in dadaal dheeraad ah ku bixin doonto taageerida Dagaalka lagula jiro ciribtirka Argagixisada iyo xagjireynta Caruurta.
Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobay, Siddharth Chatterjee ayaa waxuu sheegay in ay qaadayaan talaabooyin looga hortagayo in Dhalinyarada Kenyaanka ah la xagjireeyo.
Mr. Siddharth Chatterjee ayaa waxuu tilmaamay in argagixsada ay khatar ku yihiin Nabada iyo Amniga Caalamka, isagoona qeexay in ay ku badan yihiin Geeska Afrika.
Waxuu qeexay in loo baahan yahay in la xoojiyo howlgallada looga hortagayo weerarada ay damacsan yihiin Xarakada Al Shabaab.
Mas’uulkaan ayaa dhinaca kale wax laga xumaado waxuu ku tilmaamay weerarkii Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Mandeera, halkaasi oo ay ku Dileen ugu yaraan 6 Ruux.
Waxuu xusay in Weerarkaasi uu dhacay xili xasilooni aan cago badan ku taagneyn laga dareemayay Gobolka . waxuuna ku baaqay in feejignaan dheeri ah oo ku aadan Weerarada Al Shabaab la muujiyo.
Sikastaba, Weerarkii ka dhacay Magaalada Mandeera ayaa waxaa mas’uuliyadiisa dhabarka u ritay Xarakada Al Shabaab oo Dagaal xoogan kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.