Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, saddex kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib qarax miino oo wadada dhinaceeda la geliyay oo maanta ka dhacay Xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo.
Sida ay sheegayaan wararka qaraxa miino ayaa lala damacsanaa gaari uu la socday Sarkaal ka tirsan Maamulka Kismaayo, inkastoo la sheegayo inuu ka bad baaday.
Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah afartii ruux ee qaraxa markii hore ku dhaawacmay ay ku dhimatay Isbitaalka, waxaana ay aheyd haweeney maqaaxi ku laheyd goob ku dhow halka qaraxa ka dhacay.
Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay howl galo ka sameeyeen goobta, iyadoo aan la ogeyn cid lagu soo qab qabtay, waxaase la maqlay rasaas ay fureen ciidamada markii uu qaraxa dhacay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka KMG ah ee Juba, iyadoo mar sii horeysay xaalada wadada uu qaraxa ka dhacay ay caadi ku soo laabatay.
Idale News Online Mogadishu