Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maanta qarax lala eegtay kolonyo baabuur oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM eek u sugan magaaladaasi.
Qaraxan oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, ayaa waxa ay goob jooogayaal VOA u sheegeen inuu ka kacay baabuur booyad ah oo ka mid ahaa kolonyadaasi.
Si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada AMISOM, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jirto dhimasho soo gaartay mid ka mid ah askarta AMISOM.
Dhinaca kalena hal qof oo rayid ah ayaa dhintay halka ay 3 kalena ku dhaawacmeen rasaas la sheegay inay ciidankaasi rideen qaraxa kadib.
Qaraxan maanta ayaa dhacay waxyar kadib markii isla goobta uu qaraxu ka dhacay laga soo saaray miinada dhulka lagu aaso.
Qaraxyada ayaa ku soo badanaya magaalada Kismaayo, iyadoo Axaddii 3 qarax ay ka dhaceen gudaha magaalada Kismaayo.
Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay AMISOM ayaa lagu cambaareeyay qaraxii ka dhacay Kismaayo.
‘‘AMISOM waxay si adag u cambaareynaysaa qaraxii maanta ka dhacay magaala xeebeedka Kismaayo kaas oo waxyeelo kasoo gaadhay ciidamada AMISOM iyo dad rayid ah,’’ ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Qaraxa ayaa ka dhacay isgooyska Via Afmadow iyadoo xiligaa ay halkaa marayeen gaadiid AMISOM leedahay.
Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 rayid ah iyo 3 askari oo katirsan AMISOM.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay AMISOM ee qaraxa Kismaayo lagu cambaareeya hoos ka akhri
Idale News Online, Mogadishu