Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Tripoli Ee Libya

0
302

Triboli(INO)- Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay me meel u dhaw caasimadda Libya ee Tripoli.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay magaalada Gharabouli, oo ku taalla duleedka caasimadda, halkaasi oo maalin ka hor rabsahdo ay ka dheceen.

Dad rayid ah oo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in ay dagaal la galeen koox maleeshiyaad ah oo ka yimid magaalada Misraata, kaddib muran dhex-maray labada dhinac.

Maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan ayaa inta badan maamula dalkaasi Libiya, iyadoo maamullo is diidan ay dalka geliyeen khalkhal.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay