Qaramada Midoobey oo qaar ka mid ah shaqaalaheeda kala baxdey Magaalada Muqdisho

0
160

Qaramada Midoobey ayaa qaar ka mid ah shaqaalaheeda kala baxday magaalada Muqdisho, kadib markii 20-kii bishaan weerar ismiidaamin lagu qaaday Xarunta UNDP.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey oo aan magaciisa la shaacin ayaa xaqiijiyay in markii dhowaan la weeraray xarunta UNDP, qaar ka mid ah shaqaalaha QM sababo xaga ammaanka looga saaray Muqdisho.

UNMonitoringGrp

Wakaalada Wararkja Reuters oo soo xiganeysay sarkaalkan ayaa sheegay in shaqaalaha lagala baxay ay gaarayaan ilaa tobaneeyo ruux, kuwaasoo si KMG ah looga saaray magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa sheegay in wali QM ay ka joogaan magaalada Muqdisho, shaqaalo aan tira badneyn, hase ahaatee howsha ay tahay mid socota, isla hadii shaqaalaha laga saaray Muqdisho hadii la soo celinayo la dejinayo meelo ammaan ah.

Qaramada Midoobey ayaa dhowaan sheegtay in weerarkii Xarunta UNDP aanu saameyn ku yeelan doonin, isla markaana ay sii wadi doonaan howlaha ay Soomaaliya ka hayaan.

Saraakiisha sar sare ee Q,M ayaa horey u sheegay in weerarkii dhawaan dhacay uusan sabab u noqon doonin in Q,M ay joojiyo shaqada ay Soomaaliya ka wado.

Idale News Online Mogadishu