Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashay Howlgalka Lagula Wareegay Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose

0
254

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Necholas Kay ayaa soo dhaweeyay dib u qabashada magaalada Baraawe oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka saareen  Al-Shabaab oo muddo maamulayay.

Waxa uu qabashada Baraawe ku tilmaamay danjiruhu tallaabo loo qaaday dhinaca nabadda iyo deganaanshaha waddanka, isagoo ugu baaqay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee wali dagaalka wada inay hubka dhigaan.

“Waxaan ku boorrinayaa Al-Shabaab-ka harsan inay hubkooda dhigaan, waa waqtigii nabadda iyo horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Kay.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen saldhig wayn dhaqaale badana ay ka heli jireen.

nicholeKayPuntland

Idale News Online, Muqdisho.