Qansaxdheere(INO)-Sida uu kusoo waramayo Wariyaha Shabakada Idale News Online Cabdinuur waxa ay xaalad caafimaad daro oo aad u daran ay ka taagan tahay Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.
Haweenka Uurka leh ayuu sheegayaa Wariyaha in aysan helin Gargaar caafimaad xiliga foosha taasi oo la sheegay inay ugu wacan tahay Magaalada oo go’doon ku jirta mudo labo sano ah.
Qaar ka mid ah Bulshada Qansaxdheere ayaa u sheegay Warbaahinta in Hay’adahaha iyo dowladda ay ka codsanayaan in baahidaasi dhinac caafimaadka ay si dhab ah wax uga qabtaan, sidoo kale Maamulka degmada ayaa baaqaasi diray.
Qansaxdheere waxaa Sanadkii 2013 dowladda ay kala wareegtay Al Shabaab oo mudo ku dhow 5 sano halkaasi maamulayay.
Idale News Online, Qansaxdheere.