Waxaa xubno aad u tiro badan oo ku nool gobolka Minnesota iyo gobolada ku hareeraysan ay wadaan diyaarinta dibaxbax balaaran oo loogu soo horjeedo imaatinka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ee gobolka Soomaalidu u badan tahay ee Minnesota ee dalka Mareykanka.
Dibaxbaxayaashu ayaa ku eedeynaaya madaxweynaha inuu dalka u horseedey burbur siyaasadeed iyo mid dhaqaale isla markaasna sheegay inuu abuuray colaado beelaha Soomaaliyeed ka dhex dilaaca.
Beelaha wada dibadbaxa looga soo horjeedo Madaxweynaha ayaa kala ah Beelaha Direed, Digil Mirifle, Qaar ka mid ah Beelaha Daarood iyo Beelaha Banaadiriga iyo kuwa kale.
Madaxweyne Xasan oo aan aheyn markii ugu horeysay oo lagu banaanbaxo ayaa imaanshihiisa gobolka Minnesota muddo labo sano ka dib ku soo aadeysaa inaad aan haysan taageerada inta badan xubnaha labada gole, tan beesha caalamka iyo badi shacabka Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadiisa.
Idale News Online, MN, USA.