Waxaa dhaq-dhaqaaq xoogan wada Jaaliyadda iyo ardada Koonfur Galbeed ee Dalka Turkiga gaar ahaan magaalooyinka Istanbul iyo Ankara, kasoo ku aadan Munaasabado lagu taageerayo maamulka cusub iyo madaxda cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Magaalada Istanbul ayaa waxaa habeen hore kulan deg-deg ah isugu yimid mas’uuliyiin, waxgarad, aqoonyahano iyo ardey kasoo jeeda koonfur galbeed waxaana kulankaa lagu gurfeeyay sidii xaflad balaaran oo lagu taageerayo Doorashada Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed loo sameyn lahaa.
Dhanka kale Magaalada Ankara ayaa waxaa ka socda qabanqaabo xoogan sidii loo qaban lahaa xaflad balaaran oo lagu taageerayo dowlad goboleedka koonfur Galbeed ee dhawan lagu yagleeley magaalada Baydhaba ka dib shirweyne socodey muda ka badan sanad. Waxaana lagu wadaa inay dhacdo Xaflada maalmaha inagusoo fool leh sida ay ilo ku dhadhow guddiga qaban qaabada xaflada ay inoo xaqiijiyeen.
Dhanka kale, waxa durba soo baxaya taageerada ballaaran ee ay shacab weynaha Soomaliyeed ee ku nool dunida dacaladeeda ay u hayaan maamulka cusub ee Koonfur Galbeed Soomaliya. Maalmo ka hor waxaa xaflado lagu maamuusayo maamulka cusub ee Koonfur Galbeed ay ka dhaceen dalalka ay ka mid yihiin Yemen iyo Sacuudiga.
Wixii faah faahin dheeraad ah ee ku soo kordha qabanqaabadaan lagu wado in lagu sameeyo Xaflada lagu Taageerayo Doorashada Madaxda sare ee Koonfur Galbeed dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha’allah.
Kala Soco Warar www.idalenews.com