Qaabka Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe u qeybiyey Golihiisa Fulinta

0
286

Waxaaa magaalada Kismaayo ka socda qeybsiga golaha Fulinta ee beelaha wada dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, kaasoo uu hogaanka u haayo hogaamiyaha maamulka Jubba ee ka arrimiya magaalada Kismaayo.

Hogaamiye Maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam ayaa isaga u soo bandhigey golaha odayaasha ku sugan magaalada Kismaayo liiska golahiisa wasiirada oo ka kooban 10 wasiir iyo ku xigeeno. Sida ku cad golaha fulinta uu doonaayo inuu ku dhaqaaqo ayaa u badan beelo gaar ah oo isbaheysi ku ah siyaasada maamulka Jubba.

kgVSJubaland

Maamulka ayaa dhowaan waxaa lagu dhaqaaqi doonaa Hogaamiye ku xigeen oo ka soo jeeda beesha Shiiqaal, taasoo asaas u ah heshiiskii wasiiru dowlaha Faarax C.qaadir iyo Axmed Madoobe ku gaareen shirkii Addis Ababa.

Haddaba Akhriso qaabka uu xilalka  & liiska beelaha maamulka Jubba ee Axmed Madoobe soo gudbiyey:

Beesha Absame (Ogaadeen & Bartire) waxaa la siiyey:

  • 1 wasiir
  • 1 wasiir kuxigeen
  • 3 agaasime

Beesha Mareexaan:

  • 2 wasiir
  • 1 wasiir kuxigeen
  • 1 agaasime

Beesha Harti:

  • 1 wasiir
  • 1 wasiir kuxigeen

Beesha Sheekhaal:

  • 1 wasiir
  • 1 agaasime

Beesha Jareer

  • 1 wasiir
  • 1 wasiir kuxigeen

Beesha Cawrmale

1 wasiir

Baajuun

  • wasiir kuxigeen

Ajuuraan

wasiir kuxigeen

Laylkase

wasiir kuxigeen

Gaaljecel

  • 1 wasiir kuxigeen

Beelaha Digil iyo Mirifle:

  • 1 Wasiir  ku xigeen

Beesha Direed

  • 1 wasiir

Beesha Ortable

  • 1 Wasiir

Liiska hordhaca ah ayaa u muuqda mid lagu faquuqaayo beelaha Digil & Mirifle oo deegaan iyo dad ahaanba saameyn weyn ku leh goboladda Jubooyinka iyo Gedo. Si kastaba ma ahaatee Beelaha Digil iyo Mirifle ayaan haba yaraatee aqoonsaneyn maamulka Jubba iyo heshiiska garabka dowlada ee uu hogaamiyo Faarax C/qaadir, wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo hogaamiyaha maamulka Jubba. Waxaana magaalada Baydhabo haatan dhameystir u dhow dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya kaasoo ay ku mideysan yihiin beelaha wada dega 6da gobol ee kala ah labada Jubbo, Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool iyo Gedo.

Idale News Online, Kismaayo