Puntland iyo Galmudug oo ka hadlay dagaalada dib uga qarxay Gaalkacyo

0
245

Galkacyo(INO)— Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa goor dhow ka hadlay dagaalada maanta dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo, iyagoo midba midka kale ku eedeeyay inuu dagaalka soo qaaday.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Mesagaway) ayaa ku eedeeyay Maamulka Puntland inay jebiyeen heshiiskii xabad joojinta, isla markaana weerar qaawan ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada Galmudug ee Koofurta Gaalkacyo.

“Dowlad goboleedka Galmudug, waxay umadda Soomaaliyeed, Dowladda federaalka iyo beesha caalamkaba u caddeyneysaa in ciidamada Puntiland ay weerar qaawan ku soo qaadeen fariisimada ciidamada Galmudug ee koofurta magaalada Gaalkacyo abaarihii 11 duhurnimo ee maanta, taas oo macnaheedu yahay in Puntland ay gabiahaanba jabisay heshiiskii shalay oo taarikhdu ahayd 2/12/2015 uu madaxweynahoodii la saxiiday madaxweynaha Galmudug, Sidoo kale waxaan caddeynaynaa in Puntland ay dhabarka u ridaneyso dhammaan masuuliyadda dagaalka ka socda Gaalkacyo.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Waxaa uu sheegay in Galmudug ay aheyd cida mar walba xeerineysay nabadda tan iyo intii uu dagaalka ka qarxay magaalada Gaalkacyo 22-kii bishii, isla markaana ay si shuruud la’aan ah u aqbaleen dadaaladii waan waanta ee ay wadeen odayaasha dhaqanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha Caalamka.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soo-cadde ayaa isna ku eedeeyay maamulka Galmudug inuu dagaalka soo qaaday, isla markaana nasiib darro ay tahay in la jebiyo heshiiskii xabad joojin ahaa.

“Saakay markii aan garoonka diyaaradaha u tagnay sidii ciidamada loo kala qaadi lahaa, iyadoo la fulinayo heshiiskii shalay ayaa waxaa dhacdey nasiib darro in Galmudug noqotey bahal ceeriin madaayo oo ay dagaal qaawan nagu soo qaadeen”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku eedeeyay Ciidamada Galmudug inay madaafiic ku soo garaaceen goobaha shacabka, isla markaana Galmudug aysan raalli ka aheyn heshiiskii shalay dhacay, isla markaana aanay u dulqaadan doonin.

Dagaalada dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ayaa dib u dhac ku ah heshiiskii nabadeed ee shalay Madaxda labada maamul wada gaareen, waxaana dadaaladii uu waday Ra’iisul Wasaaraha ay u muuqdaan kuwo hal bacaad lagu lisay.

Idale News Online, Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here