DEG DEG:Hindiya Xaaji Maxamed oo u geeriyootay dhaawicii ka soo gaaray qarax gaarigeeda lagu xiray

0
222

Muqdisho(INO)— Allaha u naxariistee Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid aheyd Wariyeyaasha Radio Muqdisho iyo SNTV ayaa u geeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax lagu xiray gaari ay wadatay duhurnimadii maanta.

Hindiya Xaaji Maxamed ayaa dhaawaca ka soo gaaray qeybaha dambe ee jirka, iyadoo mid ka mid ah lugaheeda uu qaraxa ka gooyay.

 Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in Hindiya ay u geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray qaraxa gaarigii ay wadatay lagu xiray.

Xilliga qaraxa lala beegsanayay ayaa la sheegay inay ka soo baxday mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho oo ay dhiganeysay.

Sanadkii 2012 ayaa seygeeda oo ahaa Liibaan Cali Nuur uu ku geeriyooday weerar lagu qaaday maqaaxida The Village, halkaasoo ay ka qaxweynayeen wariyeyaal, waxaana sidoo kale ku dhintay C/sataar Dahir Sabriye oo labadaba ka wada shaqeynayeen Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ee SNTV.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here